WARBIXIN ANAGA NAGU SAABSAN

Shirkadda Adman International waxaa la aasaasay 1975 waxaaana aasaasay Nael Toukan. Waa shirkadda ee dalka Iswiidan ugu da’wayn oo laga helo adeegyada turjumida luqadaha. Elena Toukan waa madaxa dhaqdhaqaaqa shirkadda waxayna khabiir ku tahay qandaraasyada. Waxay ku guulaysatay in shirkadda ay ka faa’iidaysato ama hesho boqolaallo qandaraas. Waxaa wada-shaqayn naga dhaxayso turjubaanada qoraallada ee dalka ugu xariifsan. Kuwaasoo kala turjuma luqado iyo lahjado kala duwan oo tiradooda gaarayso 265.

Maadaama shirkadaynna ay ka mid tahay kuwa dalka ugu da’da wayn, waxaaan mar kasta ilaalinna xiriir-wanaagga. Hadafkeenna waxaaa weeyaan, anagoo adeegsanayno kala gudbinta turjumida ee tayada heerka sare, in aan dhisno xiriir muddo dheer ah oo aan macaamiisheenna la yeelanno. Sidaasoo kale in aan shaqaalaheenna iyo turjubaanada qorallada, la yeelaanno xiriir wanaag iyo shuruudaha shaqada iyaga u roon.

Warbixintii oo kooban, waxaan oran karna, shirkadaynna waa shirkad bixisa adeegyada turjumida, kuwaasoo ku salaysan jacaylka qotan ee luqadaha aan u qabno.

Kaljacayl ku soo-dhowaada!


TURJUMIDA QORAALLADA

Kartida qorshaynta ee shirkadda

Tiro aad u badan oo kamid ah shirkadaha kale ee qoraallada turjuma, waxay sannooyin aad u badan nagu soo wareejiyaan hawlaha turjumida oo ay qaban lahaayeen. Taasoo u sabab ah in aysan awoodin turjumida qoraallada ku qoran luqado oo aan caadi ahayn oona ku qoran xarfo nooc kale ah. Sababaha waxaa kamid ah kartideenna xaqiiqsan, oo aan ku qabanno hawlaha noocaas ah. Kuwaasoo iyagana ku salaysan khibradaha iyo xiiladaha shirkadda ay ku qaban karto dhammaan heerarka soosaarida dabacaadda. Tan kale waxaa weeyan shabakad ballaaraan ee ka koobaan dadka qoraallada turjuma oo sannooyin tiro badan shirkada Adman International soo dhistay.

 

Qoraallada turjumada ee qaab degdeg ah loo qabto

Ku saabsan qoraallada turjumada ee qaab degdeg ah loo qabto, waxaan oran karna ma jirto wax dhib badan ama suurtagal noqon karin. Haddii aad na soo wacdo ama warqad noo soo qorto, waxaan wadajir xal ugu heli doona baahida turjumida qoraalla degdegga, ama falanqaynta luqadaha iyo u aqriska hab degdegga ku salaysan, kuwaasoo iyagana ku salaysan hab dhaqsi badan oo sugan.

Turjubaanada qoraallada ee anaga noo shaqeeya

Shirkadda Adman International waxay muddo dheer adeegsanaysay oo keliya turjubaanada qoraallada ee afkooda hooyo wax ku turjumma. Adeegyadeeda kuma salaysna waxyaalaha turjumida awgood la adeegsado, kuwaasoo badi ahaan laga helin fursadda isbedbedelka – beddelka qalabyada noocaas ah waxaan ka doorbidna in aan adeegsanno turjubaanada qoraallada oo nool maadaama luqadda sideeda ba ay tahay wax nool. Mabda’ kale waxaa weeyaan in hawlaha turjumida qoraallada lagu qabto dalka Iswiidan gudahiisa – iyadoo aan ka eegaynno dhinaca ammaanka ma doonaynno in aan halis gelinno, haybada macaamiisheenna iyo macaamiishooda. Taasoo dhici karta haddii hawlaha na lagu aaminay in ka fogeynno ama aan geynno meel aan ka kormeeri karin.

Turjubaanada qoraallada ee idman

Sida loo sugo qoraallada turjuban, kuwaasoo badi ahaaan la rabo in la sugo markii la turjumaayo qaraal-shaqsiyeed, sida shahadooyinka qallin-jebinta, qoraallada go’aanada maxkamadaha iwm, waa in u turjuma turjubaan idin hay’adda [Kammarkollegiet] ka haysto. Waa hay’ad awood u leh in shatiyadaas noocaas ah ay bixiso. Turjumaha qoraallada ee idman wuxuu caadi ahaan shati u haysta afka hooyo. Aasaasaha shirkadda Adman International waxaa weeyaan turjumaha shatiga u haysto qorallada af-carabiga ee dalka Iswiidan ugu mutaysan.


DAABACAADDA QORAALLADA TURJUBAN

Adeegyada kale ee shirkadda Adman International laga helo, waxaa kamid ah daabacaadda qoraallada turjuban. Waa qoraallo ku turjuban dhammaan luqooyinka adduunka lagu hadlo. Kuwaasoo qaar iyaga kamid loo qoro bidix ilaa midig, kuwa kalena midig ilaa bidix iyo xitaa kuwa kor laga soo bilaabo ilaa hoos. Haddii anaga aad na xilsaartaan in aan qabanno daabacaadda qoraallada turjuban, waxaa hawlgallada ku salayn karna faylka originalka ah iyo anagoo hab gaar ah u fahmaynno luqadda lagu turjumay. Taasoo iyadana suuragelin doonto isku hagaajinta ereyada hadba sidii aad doonayseen.

Sidaas ayaa turjumada loogu dhaqaaqi karaa qaab naqasheed la’aan ama naqshad wax is-dhimin. Tan kale, looma baahna in la soo iibsado noocyada xarfaha ee aan latiinka ahayn oo qaaliga ah sida carabiga, shineeska, ruushka iwm.

Faylalka turjuman dhib la’aan ayaa lay idinku soo wareejin karaa. Maadaama hawlgalladeenna awgood aan adeegsanno barnaamijyada naqshadaha badidooda, sida tusaale InDesign, Illustrator, Photoshop iyo Fireworks. Faylka soo dir, inta kalena anaga noo dhaaf. Hawlgallada sidaas kama dhib badna.


Teknolojiyada warfaafinta [IT-TRANSLATION]

Haddii hab sax ah loo turjummo bogga internetkaaga, faa’iido ganacsiyeed ayaa kugu jirto!

Haddii bogga internetka lagu turjummo afka booqadeha, waxay booqadeyaasha badidooda ku hakadaan wakhti laba jibaar ah, taasoo laga soo xigsaday Forrester Research.

Markii shirkad ay doonayso in hab sax ah ay saldhig ugu yeelato suuq cusub, ama markii hay’ad ay doonayso in sidaasoo kale xiriir ay la yeelato koox bulshodeed gaar ah, xaaladahaas waa arrin aad muhim u ah lahaanshada bog internet oo hab sax ah u turjuban, oona dhaqanka booqadeha loola qabsiiyay, kaasoo ah qodob badi ahaan la iloowo. Macaamiisha waxay waayahaan dambe gaaraan go’aanka wax iibsashada markii ay adeegsanayaan mashiinka raadinta, shirkadaha magacyadooda ku qoran liisaska ugu horeeyo, waa kuwa shirkadaha raadinta ugu wanaagsan. Sida bogga loogu meeleeyo halka ugu sareeyo liisaska mashiinka raadinta, haddii bogga internetka lagu qoro afka hooyo, waa sida qod aad muhim u ah, waxaa hubaal ah in maacaamisha ay badeecadaha iyo adeegyada ku raadsan doonaan afkooda hooyo.

 

Anagu waxaan hawlgallada la wareegna markii suuq-geliyeha ama horumariyeha u hawlaha sii wadi karin, anagu waxaan awoodna in bogga internetka aan la qabsiinnoo luqadda iyo dhaqanka. Waan ku caawin karna haddii aad haysato hab-dhiska [content management-system] ama in kale. Waxaan hawlgalladeena ku salaynna faylka. Kaddib waxaan gacanta idin ka saari karna faylal toos u geli kartaan bogga internetka hadba luqadda ay u qoran yihiin. Haddii anaga aad na adeegsato, waxaaan ka ballan-qaadayna turjimid sax ah, qaab naqshadeed iyo isticmaaleha bogga internetka u roon, waxna iska dhimi doonin markii hawllo laga qabanaayo. Waxaan ku hawlgalna noocyda xarfaha ee weebyada loogu talagalay, ha ahaadeen kuwa kuwa bariga Aasiya ilaa kuwa galbeedka, kuwaasoo qaar iyaga kamid loo qoro bidix ilaa midig, kuwa kale midig ilaa bidix iyo xitaa kuwa kor laga soo bilaabo ilaa hoos!

Waxaan awoodna in aan hawlgalladeenna ku salaynno barnaamijyada gaar ahaanta weebka loogu talagalay oo kala duwan, aan ka reebnayn (ASP, .html, .dhtm, Php). Barnaamijyada aan ku hawlgallno waxaa kaloo kamid ah: Dreamweaver, XML, HTML, DHTML, Fireworks, Java, XSLT, ASP, Flash, Javascript, COM, Freehand iyo kuwa kale oo aad u badan. Waxaan kale dabcan idinka caawini doona mustaqbilka dib u cusboonisiita iyo daryeelida ereyada bogga internetka u qoran, sidii ereyda dhammaan loo dhexgeliyo. Ku isticmaalka adeegyada shirkadda Adman International AB waa arrin mar kasta ku ammaan gelinayso. Warbixin dheeraad ayaa naga heleysaa haddii aad nala soo xiriirto.

Shirkadda adeegyada turjumida qoraallada ee dalka Iswiidan ugu da’ wayn, waxaa kaloo laga hela teknolojiyada warfaafinta dalka Iswiidan ugu casriyeeysan!


FAAHFAAHINTA XIRIIRKA

Adreeska booqashada: Sveavägen 45, dhabakhada 1:aad. 111 34 Stockholm

Adreeska boostada: Brevbärarbacken 2, 125 53 Älsvjö

Mobayl: 070-751 15 15

 http://www.admansprak.se